Muqdisho:- 27 dhimasho ah iyo 60 dhaawac ah: Digniintii ay dawlada Ingiriisku bixisay Ee dawlada Soomaaliya dhegaha ka fureysatay iyo Afhayeenka Al-shabaab oo ku faanay wixii maanta ka dhacay Muqdisho.

526609_354159801351034_1185075135_n

gtgdd??????????????????????????????? ??????????????????????????????????????????????????????????????

Muqdısho(warsugansomaliya.wordpress.com)Digniinta ee soo saartay Dowlada Ingiriiska ayaa la xariirtay Qorshayaal ee diyaarinayeen Kooxaha inta badan Qaraxyada iyo Dhibaatooyinka ka geesta Magaalada Muqdisho iyadoona maanta ee soo baxday Waxii laga digayay.

Dowlada Soomaaliya ayaana dhagaha ka fureesatay Digniinta ee soo saartay Dowlada Ingiriiska waxa eena Sheegeen Masuuliyiin Dowlada u hadlay in Digniinta Ingiriisku soo saareen uu yahay mid kabad badis ah amaanka Magaaladana uu yahay mid la xaqiijiyay lagana hor tagayo Falal Argagaxiso oo ka dhaca.

Maanta ayeyna dhaceen Qatartii ee ka digtay Dowklada Ingiriiska iyadoona Muqdisho maanta u aheed maalin naxtin badan ee hareeyeen Qaraxyo aad u xoogan oo Ismiidaamin ah iyo weerarao Qorsheesan ee mudooyinkan diyaarinayeen Kooxda Al-Shabaab.

In kabadan 20-Qof oo Shacab u badnaa eyna ku jireen Samafalayaal Turki ah ayaa maanta ku geeriyooday Weeraradii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka kala dhacay Xarunta Maxkamada Gobolka Banaadir iyo sidoo kale inta u dhaxeysa Isgooska KM-4 iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee NMagaaldaa mUqdisho.

Weeraradan Maanta gil gilay Magaalada Muqdisho ayaa muujinaya in ee jiraan habacsanaan dhinaca amaanka ah , Hay’adaha amaanka Dowlada Soomaaliya ayaana marar badan balan qaaday in ee adkeenayaan amaanka guud ee Magaalada Muqdisho ayna ka hortagayaan falalka Foosha xun ee maleegayaan Argagaxisada Soomaaliya.

Sheekh Cali Dheere oo Caawa ku faanay Waxii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho una bixiyay Magac Weeraradii ee fuliyeen

Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo caawa Shir Jaraa’id u qabtay Warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa dusha saartay masuuliyada Weeraradii iyo Qaraxyadii qasaaraha badnaa ee maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Cali Dheere waxa uu xusay Qaraxyadii iyo Weerarakii maanta lagu qaaday Xarunta Maxkamada Gobolka Banaadir in ee fuliyeen Shan nin uu sheegay in ee ahaayeen geesiyaal kuwaa oo dilay in kabadan 27-Ruux tiro 60- kabadana ee ku dhaawaceen Weerarkooda.

Afhayeenka ayaa xusay in Qaraxyada iyo Weerarka ee maanta ku qaadeen Maxkamada Gobolka Banaadir uu ahaa Weerar barakeesan ee ugu magac dareen Duulaankii lagu bur burinayay dawaagiida uu sheegay in ee ku shirsanaayeen Maxkamada Gobolka Banaadir , waxa uuan xusay in halka ee weerareen in ee ku shir sanaayeen waxa alle waxii maxkmada sheegta ayna maanta meesha soo dhoobeen ilaalo dheeraad ah .

Cali Dheere ayaa sidoo kale sheegay in Maanta Xarunta Maxkmada Gobolka Banaadir ee Shirk u lahaayeen waxii Maxkamad sheegta halkaasna ee ku hayeen wax ilaah shareecadiisa ka baxsan dadkana ee ku xukumayeen wax uu sheegay Qodobo ee sameeteen oo ah X.Q J.

Cali Dheere ayaa intaa ku daray in Ragii katirsanaa Al-Shabaab ee weerarada iyo qaraxyada fuliyay ee Maxkamada Gobolka Banaadir heesteen in kabadan Sadax saacadood ayna laayeen in alaale intii ilaah u qadaray ee dili kareen.

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sidoo kale ka hadlay Weerarkii kale ee ismiidaaminta ee ka dhacay inta u dhaxeysa Isgooska KM-4 iyo Garoonka Aadan Cadde ee ku dileen dad uu ugu yeeray calooshood u shaqeestayaal ah oo dalka gardaro ku joogay marar badana u digeen.

Cali Dheere ayaa Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho iyo Deegaanada kale ee ku dhaw dhaw ugu bishaareeyay Dadkii ee maanta ku laayeen Magaalada Muqdisho sheegayna in waxii maanta faleen Al-Shabaab dad badan ku farxeen , waxa uu sidoo kale u duceeyay dadkii maanta ka dambeeyay Qaraxyadii Muqdisho ka dhacay isaga oo ilaah uga baryay in janadii Fardowsa ka waraabiyo.

Qaraxyadii iyo Weeraradii maanta ee Al-Shabaab ka fuliyeen Magaalada Muqdisho ayaa ahaa kii ugu qasaaraha badnaa ee sanadkan dhaca , waxa uuna Weerarakan ahaa nuuc cusub ee Al-Shabaab mudo soo abaabulayeen.

ısha ku hay warsugansomalıya.wordpress.com

wariye ,Faysal Muuse Adam ..

Email. faysalhassan1@hotmail.com

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s