BADHASAABKA AWDAL OO XARİİRAD UTAGAY SAFAR SALKA KUHAYA TURXAAN BİXİN NABADGALYADA DEEGAANKAASİ

images (2)

April 14, 2013 Boorama(warsugansugan.wordpress.com)Badhasaabka gobolka Awdal oo uu weheliyo Maayarka Boorama iyo Xildhibaano ka tirsan golaha degaanka ee Boorama ayaa booqasho hal maalin qaadatay ku tagay degaanka Xariirad ee degmada Saylac ee Gobolka Awdal, kulankan ayaa ujeedadiisa lagu micneeyay mid salka ku haysa sidii loo turxaan bixin lahaa nabada isla markaana hore loogu sii amba qaadi lahaa balantii taalay iyo adkaynta nabadgalyada.

Badhasaabka ayaa waxa uu kulano kala gooni-gooni ah la yeeshay madaxdhaqameedka kala duwan ee degaanka Xariirad, waxana uu ku horeeyay beeshii ay dhibtu ka soo gaadhay shaqaaqadii u dambaysay ee degaankaasi ka dhacday, waxana qaar ka mid ah odayaashaasi oo badhasaabka la hadlay ay xuseen inay aad u saluugsan yihiin sida ay xukuumadu wax u wado iyada oo si toos ah u sheegay in waxwalba ay gaabis yihiin.

Caaqil Maygaag oo badhasaab cabdoo la hadlayay ayaa yidhi “ Horta dhibta eebe ayaa qadaray, sidaad ayayna wax u dheceen, waxaan joognaa saman ninka doqonka ah loo sacaba tumo oo uu hore u sii karaaro, waxa kale oo aan sheegaynaa in dhibtii dhacday waxa laga qabtay ee ugu badan ay noqotay nabada dhawra, ilaa hadana nabadii ayaan ilaalinaynaa, waxase suuragal ah in ay na dhaafto, sababta oo ah in nagu filan waa la na amaanay oo amaantu hore ayay noo deeqday, anagu ma nihin dad sedex dal u dhexeeya ee waxa aan nahay dad uu eebe Somaliland dhigay oo halkaasi canshuur ku bixiya, halkaas ayuu eebe na dhigay oo aan cashuur ku bixinaa waliba, ma lihin maxaa loo soo qaban waayay gacan ku dhiiglihii, waayo xukuumada ayay taasi u taalaa, balse anaga samir waa naga dhamaaday, mudo la dulqaatana waan soo dul qaadanay run baan kuu sheegaynaaye, cida dilka gaystayna lama garan la’a ee xukuumada nagu dhex jirta ayaa wali wax badan ka gaabinaysa”.

Xildhibaan, Xasan Nuur Cali oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa badhasaabka uga waramay sida ay wax u dheceen, waxana uu sheegay in tan iyo doorashooyinkii ay degaanka saameeyen hafardaamooyin badan oo nabada lid ku ah oo ka imanayay dad nabada ka soo horjeeda, sidaas hadii xaalku yahayna looga baahan yahay xukuumada inay talaabo degdeg ah ka qaado.

Xil. Xasan oo arinta qaboojinaya ayaa badhasaab Cabdoo ku yidhi “ Ma tihid masuulkii ugu horeeyay ee nooyimaada, balse waxa aad tahay kii u dambeeyay, waxa aan eebe kaaga baryaynaa inuu arinta aad qaaday masuuliyadeeda kugu guuleeyo, waxanan odayaasha leeyahay oon kula noqonayaa inay haboon tahay in waqti la siiyo isagana oo laga war sugo inta uu xalka ka keenayo”

Badhasaab Cabdoo oo la hadlayay odayaasha beesha reer Dudub ayaa ugu horayntiiba ka tacsiyadeeyay nabarkii hore u soo gaadhay, waxana uu u sheegay in uu u socdo mudadii la balamay oo la gaadhay arinteeda, waxana isaga oo ka waramaya uu yidhi “ Tacsi ka dib waxa aan u socdaa oo waajib yahay idina aad ogtihiin in balani taalay, halkii ay ku dambaysay ayaan raadkeeda dib u gurayaa, waxa kale oo aan idiinku imid inaan idin ogaysiiyo in mawqifka xukuumada ee arintan uu yahay mid cad oo aanay ka seexanayay ilaa inta a y gacanta ku soo dhigayso gacan ku dhiiglihii dilka gaystay.

Badhsaab Cabdoo waxa uu beesha dhibanaha ah u sheegay in mudada la qabtay ee hore loogu dhawaaqay aanay ahayn mid macquul ah waxana uu yidhi “ Waad ogtihiin idinkuba in 10 Maalmood aanay ahayn wax ku filan in hawlgal balaadhan oo nabadgalyada ah lagu fuliyo, wasiiradii balanta qabtayna waxa ay is lahaayeen xogtii ay markaasi hayeen ayaad ku hawl gali kartaan, taasina ma dhicin, sidaasi aawadeed, waxa waajib nagu ah inaan soo qabano gacan ku dhiiglihii isla markaana hor keeno sharciga, idinkana waxa waajib idinka saaran yahay in sidii aad horeba ugu samirteen aad ugu samirtaan isla markaana aad nabada u adkaysaan oo aad xukuumada sugtaan”

Badhasaabku waxa uu kulan kani ku lamaan la yeeshay beesha ciise ee dhibta gaysatay waxana ay odayaasha beeshaas oo hadalka iska daba qaatay ay xuseen in loo baahan yahay in arinta labo loogu kala qaado.

Caaqil Cumar oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ 85 jir ayaan ahay, garna maanta ka hor kama soo qayb galin, waxa aan sheegayaa in ay arintu labo tahay oo ay kala tahay mida hore oo ah midi magta oo anaga xanuun nagu haysa aadna noogu wayn, mida labaadna ay tahay mida gacan ku dhiiglaha, mida hore waxa aan leeyahay reer Geedi waa diyaar maalin galinkeedna ha la noo qabto oo aan ku bixino magtii, mida gacan ku dhiiglahana, waligeedba waxa la oran jiray WANTED PERSON, oo waa la raadin jiray abiidaba, markay doonto ha ahaatee ha la raadiyo oo maalinta la arko in gacanta lagu soo dhıgo .Gabagabadi badhasaabka gobolka Awdal oo dadaal ugu jira khilaafkaa inuu soo afjaro.

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s