Maansooyin badan oo ay is waydarsadeen abwaanada Abwaan Hurre Axmed Maxamed iyo abwaan farxaan cumar selwe oo aad u xiiso badan .

IMG_1951

Waxaan halkan idiinku soo gudbinaya maansoyin cusub oo ay leeyihiin abwaan Hurre iyo abwaan salwe maansoyinkan oo aay arimo badan kaga hadlayaan aniga oo aan faahfaahinayn arimaha aay kaga hadlayaan oo aad ka fahmi doontaan midhaha iyo dhexdeeda ayaa waxaa jawaab ka bixi yay abwaan farxaan cumar selwe jawaabti abwaankuna hoos bay ku qorantahay hadaba maansadan waa ay u furan tahay dhamaan abwaanada qofki jawaab ka bixinayana waa lagu soo dhawaynaya waana tan maansadi oo magaceeda la yiddhaahdo ( YAA GARAN UJEEDADA)

Suugaanta gabayada
Geeraarka maansada
Murti gaaxsinkeediyo
jaandheeryo guuxada
Gibaladiyo cayaaraha
Gurta jaanta laga rogo’
Gidi waan aqaanaa
Waana galad ilaahay
Iyo guulle mahadi
Anigoon gaf iyo khalad
Gardariyo is yeel yeel
Cidna gaar u maagayn
Iyo goodi baqa galin
Waxa garashaday tahay
Gocday laabtu ay tidhi
Aan idiin gardaadsho
Sidi guure socodko
Marti guriga kuu timi
Gogoshana u fidisood
Goolki u loogtood
Hilib geedo lagu daray
Xeedhyaha gadaamani
Gabranyiin hortoodoy
Gidi gacanta galiyeen
Aan idiin goleeyoo
Gumucdeeda maansada
Garba siman ka yeelee
Idinkuna gudoonsada
Maqalkiina ii guda
Gees kale ha eegina
Waa gare odhaahda
Gacalow ma yeesheen
Ma gala u jeedada
Guudkaan maraaye
Gunta maw arooraa

Miyaa gocasho ruux qaba
Iyo ruux gilgilan iyo
Jidh gubaaxsha leediin

Dab ku gubi ma qaadaa
Gurigaa ma galisaa
Ma gurta wixi yaal

Adigo garaad qaba
Gurigaagu dhalo yahay
Ma ganta in daar gala

Adoon gudin afwayn iyo
Maansaar ku goynayn
Xero geel ma oodaa

Adoo nabad ku goohoo
Godob aan cid kaa hayn
Colaad maw gilgilata

Ma garbixi nin kugu yidhi
Adoon gaar u faloon
Geedka maysku aadaa

Wali hadalka gibishi
Kama rogin go’iyo shaal
Xadhigi gondaha iyo
Kama goynin dabarki
Guudkaan maraaye
Gunta aan u daadago

Nin gu’ hore awawgi
Dameer guud ka rari jiray
Gurgurshaaga awrkiyo
Qaalin geela laga xidhay
Ma ku guuri karaya
Hararadiyo gibishiyo
Rarka maw gimgimaya
Caynkow ku giijiyo
Dabagaliska maw galin
Mise gaddu aqoon jiray
Shirikaan gadaanlu
Midba gees ka ridaya
Gadhka qabo hogaankiyo
Oho kuma garaadsane
Ma gadaal intu tago
Gacan qaad ul dheer iyo
Gujo uu ku kiciyaa
Yaa garan u jeedada
Gudub oo hal kale aad
Soddon geela oo qaday
Mar hadu aroor galo
Habeen guula uu dhoxo
Galacdiisa waagiyo
Galin hore markay tahay
Hadan garabyo wayntiyo
Gunti gaabyo wiilali
Xeedhada u galino
Wadaantana giraan girin
Oo aan guuxa heestiyo
Gariirkoodu baxahayn
Gaydha oon ma reebta
Biyahana ma giigtaa
Yaa garan u jeedada

Wali hadalka gibishiyo
Kama rogin go’iyo shaal
Xadhigi gondaha iyo
Kama goynin dabarki
Guudkaan maraaye
Gunta aan u daadago

Ninka gool la gowracay
Guduudkiisa hilibkiyo
Godan xagaladiisi
Gidi yidhi anaa cuni
Adna guro caloolay
Misna sacab garaac yidhi
Farxad iigu garab yeel
Gacal baan wadaagnaa
Nin garaadku wayn yahay
Garashana u dheertahay
Ma gaya odhaahdaa
Ma wax laga garaabaa
Yaa garan u jeedada
Gudub oo hal kale aad
Nin gu’ aad ka wayn tahay
Garaadkina hoos yahay
Giniyaadka lacagtiyo
Guunyo aan ku dheerayn
Hadu galaba tuu rabo
Shaxda guur ku leeyahay
Oo godkaad dagaysaa
Geesta kale ninki jiray
Gudban waa irmaante
Jara gudubsan kugu helo
Iska gurana kugu dhoho
Nin garaadku wayn yahay
Garashana u dheer tahay
Ma gaya odhaahdaa
Ma wax laga garaaba
Yaa garan u jeedada

Wali hadalka gibishi
Kama rogin go’iyo shaal
Xadhigi gondaha iyo
Kama goynin dabarkii
Guudkaan maraaye
Gunta aan u daadago

Nin aad gibil oogada
Gayigiyo odhaahdiyo
Garab aad wadaagtaan
Hadi gumuca shaydaan
Intu gooni ula foqo
Uu yidhaahdo garab iyo
Eexbaa lagaa galay
See garaadku kaa yahay
Gardaradan cadaanka ah
Giirka maadan kicinayn
Inta ruux gumaadiyo
Gumucyaraha maadhiin
Qaado gaylankaagi
Raga goobta wada gee
Inaad gudan xilkaagiyo
Anaa gusha kuu huba
Ama gooni haw go’o
Ama guudka sare iyo
Xilka guud ha gaadhee
Halku geesi noqon laa
Garashiyo wixi hore
Gocashadu ka dheertahay
Galin buu ka jooge
Hadi uu gadaal dhoho
Madaxaaga hoos gee
Gondahayga soo qabo
Guudkaan ka raraaya
Maxaa garana hay odhan
Gubashiyo xanuun iyo
Gadood yaanan kaa arag
Gurigaygu waa nabad
Gidi nalal cadaaniyo
Gogosho u dheer iyo
Agab guri intu yahay
Gundhadaan u dhigaya
Kaagana gabaahiir
Iyo goob dagaal iyo
Gudcur baan ka dhigaya
Guunyadaada waan qali
Ginigaaga lacagtana
Kaygaad ku gadaysa
Marka aan gadoodee
Gacalkay ku yeedhana
Waa inaad ka guurtaa
Nin garaadku wayn yahay
Garashana u dheertahay
Ma gaya odhaahdaa
Ma wax laga garaabaa
Yaa garan u jeedada
Gadu waa gaday tahay
Gobo’ hadalka kuma darin
Manaasadaan gardaadshe
Yaa garan u jeedada
Magaceeda guud yahay
Waan gunaanadaayaa
Geedigu halku yahay
Ninki garanayow sheeg
Wixi guule kaa baray
Gafna yaanu kaa tagin

By: Abwaan Hurre Axmed maxamed

Jawaabti Abwaan Farxaan

Go iwaa hurroow helay
gudban maan sadaadii.
Gartay weedhahaagii.
Waa gabay abwaan qoray.
Waa garasho qaaliya.
Waa giraangir socotiyo
gobo iyo meselo saxa.
Gudoon saday abwaan yohow.
gedahaad tilaantaye.
Bal aan gaar ukala dhigo.

Gaabanoow dameer iyo
ninka goodis raran jiray.
Gocosadana qodan jiray.
Gurgurshaa inuu raro
gadhka uu hogaanshaa
waa roob galbeed maray.
Gadaal aan usoonoqon.

Nimaan talada goyn jirin
geed loogu tegi jirin
guurti soo ahaajirin.
Inuu maanta gole iyo
gudi xaajo loodiray
gudoon wacan ka keenaa
waa midaan giriifoo
gabal daye kasoo qaad
hadba gees ujees too
go’aankiisu liid yahay.

Ninka gees ubaxayee
gocashiyo xanuun iyo
gamuun aan lagaranayn
gondaha ay ka haysee.
Waa gii guduutaba
gooni socod u gaardiya
isna waa ma garatee
gorayada gedeedii
guure wuu ka quustaye
gabal dhacay udaayoo
goobtaa ha joogee
u golee intiikale…….
afartaa ged bixiyaye
gunta aan udaadego.

Gudbantii abwaankana
gucle aan ku gaadhoo
geeskalana aan dayo.
Geyigoo abaar saday.
Guluf uu udheeryahay.
Gesiin aan la beerayn
galaydii kolay tahay.
Gurmad iyo wax qabad raba.
Goonyaha aduunyada
ninka gaanbinaayee.
Gelin jooga baariis
galabtiina gadar iyo
guri shiikhu leeyay
gelbis loogu siiwado.
Gobanimo ma haystaa?
ma gutaa xilkiisii?
Gudoonoow waxba hatarin.
Hadii giniga lacageed
kii doonay kugu galay.
Aan gaba gebeeyee
gobalada dalkoo idil
weli guuxa dawliga
gurdan kiisa may helin.
Gefna waa udheeryahay.

Abwaan Farxaan Cumar Selwe

halakan wadaad kaga bogan kartaa qaybtii labad ee maansooyinka labada abwaan is dhaafsadeen halkan ka dheho qabta labaad .

Inta lagu galladeeyee
Gabayada taqaanee
Ga da maanso tirisaay.
Gudban baan idiin qori
Guntin baan ku xidhayaa
Kii garanayoow sheeg
Gelbi guusha keligaa.
Kii ka lowna gaab soo
Gamdhe oo iskaga baydh
Gefna yaanu kaategin.

Ninka gaydho foof saday
Geeliisu boqol yahay
Galoof iyo midaan dhalin
Gool naaxay iyo koron
Garab wayn ka buuxaan.
Ee Isagoo gu joogo
Gaajo aan kabaqanayn
Gaawaha la buuxsado
Gurgur shaaga gawracay!
Gedduu yahay bal iisheeg?

Nin garaad ku faanoo
Gugiisuna tisciin yahay.
Oo gabanaduu dhalay
Waagii guduutiyo
Gabal dhacaba gawraca
Waa giraangir hadalkuye
Geda uu ka leeyahay
Kii garanayoow sheeg?

Ninka guurti looxulay
Garashana la door biday
Gadh wadeena lagadhigay
Geedna maalin aan tegin
Talo uu gorfeeyiyo
Go aan hay danbeeyee
Kala geeyay beeshii
Isna gacalka weeyee
Kii garanayoow sheeg?

Gudbantiina waan dhigay
Gogoshaan ku sugayaa
Ninka ii gardaad shee
Garta weedhahaygaa.     Abwaan Farxaan Cumar Selwe

Jawaabtii abwaan hurre

Gobaysane farxaanow
Gudban maansadaadani
Horta way gu’ wayn tahay
Waa giraangir adag iyo
Gabood aan la mari Karin
Gobo diyo ujeedada
Halka gunudku uu yahay
Ninkasta ma gali karo
Ana waan ka gaabsaday
Waxse garashaday tahay
Bal aan golaha soo dhigo

Ninka gaydha foofsada
Geelisu boqol yahay
Galoof iyo irmaan iyo
Gurinki kol ay tahay
Guuxe baarqab dheeryahay
Mar hadi gugi da o
Gaajo way ka dheerte
Gurgurshaaga awrkiyo
Hadu goodi gawroco
Goblan tala aduunyooy
Xaajadu gun dheeraa
Gorfaynteedu adakaa
Waaxay geeg qadhaadhkani
Waxaan uga goleeyahay
Gacan qaadhka sheekada
Inaan ruux kasta galin
Waxse gunudku uu yahay
Gaydho wiilka foofsada
Gurgurshaana gawracay
Horta garasho maysiin
Waa gad iyo xeeshii
Waxse uu gurucantaa
Garaadkeeda helaya
Marka gugu idlaade
Gayiguna abaarsado
Geedigu ka sahan tago
Awrka gibisha loo xidho
Oo gadhqaadka wiilka leh
Gurigu u sahan tagay
Galin horaba uu furo
Bal gorfee abwaanow
Muxuu guuri doonaa
Gurgurshaaga kii qalay

Nin garaad ku faano
Gugiisuna tisciin yahay
Gabalki yimaadaba
Gabankiisa gawraca
Goblan tala aduunyoy
Xaajadu gundheeraa
Gorfaynteedu adaka
Waaxay geed qadhaadhkani
Waxaan uga goleeyahay
Gacanqaadhka sheekada
Inaan ruux kasta galin
Waxse gunudku uu yahay
Ninka gabanadu dhalay
Waagi guduutaba
Gawraca u soo wada
Waan yara gardiidee
Gaf armu tirsadayo
Cidi goobta ugu timi
Sida gorayadoo kale
Waxse aan gun dhigaya
Horta garasho maysiin
Waa gad iyo xeeshii
Waxse uu gurucantaa
Garaadkeeda helaya
Marka guluf colaadeed
Iyo gaylan uu dhoco
Ragu goobta wada tago
Ninka gabanadiisi
Gawraca ku dili jiray
Bal gorfee abwaanoow
Ragu goobta dirireed
Gurmad waa u baahda
Hubka yaa ka garab ridi

Ninka guurti loo xulay
Gadhwadeenka laga dhigay
Guddi xaajo qaadiyo
Misna geedka an tagin
Talo uu gorfeeyiyo
Gole haw danbeeyee
Beeshiiba kala guray
Goblan tala aduunyooy
Xaajadu gun dheeraa
Gorfaynteedu adagaa
Waaxay geed qadhaadhkani
Waxaan uga goleeyay
Gacanqaadka sheekada
Inaan ruux kasta galin
Waxse gunudku uu yahay
Nin gadu ahaan jiray
Gu’ inti ka waynayd
Midna geedka tagi jirin
Marki uu garaad saday
Go’a shaalka hoo iyo
Isna guurti laga dhigay
Gurac xaajadeediyo
Inu goob xun wada dhigo
Saw lama gudboonayn
Gacalkiyo xigaalkana
Geedaha ku kala xidho
Bal gorfee abwaanoow
Adiguna gadaashay
Gidi waa dhameeye

Abwaan Hurre Axmed Maxamed

isku dubaridkii wariye indhoos janagalle

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s