Maleeshiyada Alshabaab oo dhabarjab wayn soo gadhay kadib markay ka baxsadeen dhalin ay u taba barayeen inay qaraxyo meelo muhiima ka fuliyaan+sawiro.

Al-shabaab-131

Warar aanu ka helayno ila ku dhowdhow maleeshiyada allshabaab aya waxay sheegayan in dhalin yaro ay ugu tala gashay inay qaraxyo is miidaamina oo aan loo meel dayayn ay k fuuliyan guud ahaan dalka somaliya gaar ahaan xarumaha dawlada iyo kuwa qaramada midoobay iyo hayadaha caalamka ee ku foogan wax u qabashadad dadka tabalaysan ee somalida iyo sidii dib loogu soo dabali laha dalka somaliaya.

Afhayeenka maleeshiyada allshabaab cali dheere oo arintaa aad uga xumaaday ayaa waxa uu saxafada u mariyay dhalintaa in ay ridooben diinta iyo xaqana ka carareen meeshi lagu arkana lagu toogto, waxaana uu si aada u dhaliilay baxsadkooda oo uu ku tilmaamay mid fulaynimo oo aan qofka islaamka ah looga fadhiyin waa suu hadalka u dhigaye.

Dhanka kale waxaa baryahan danbe soo badanaya dhalinta ay maleeshiyada Alshabaab ku qasbaan inay falal aadanaha ka dhana ku kacaan oo ay qaraxyo iyo dilal toogasha ah ka gaystan dalka, dhalintaana ay mararka qaar iyagu dilaanba haday didan ficilada xunxun ee lagu amray.

Nasiib wanaag waxaa aad loogu farxo ah in dhalin ay ku hanwaynayd Alshabaab inay ku gumaado una adeegsato dhibaataynta dadka somaliyeed iyo beesha caalamka ee gargarka ugu yimi ay dhalintaasi ay garaten inay ka baxsadan oo ay arinkaa Alshabaab soo jeediyen ay aad uga dhabar adeegen una arkeen wax aan la qaadan karin qof maskax iyo maan aadanimo ku jirto uusan wax yeelada gaysan karin, waxayna tusaale u tahay dhalinta kale ee somaliyeed ee sida khaldan loo maran habaabinayo inay ku daydaan raga lamidka ah ee inay baxsadan ama dhintaan ka doorbiday inay dhiig dad aan waxba galabsan daadiyan.

waxaa xusid mudan dhalintaka soo baxsatay maleeshiaya Alshabaab oo ay ka mid ahaayen  Mohamed Mohamoud Askar oo ahaa dhalinta reer qoryoolay ee loogu jecel yahay ayna si xooga ku haysteen,  Cali amuur qaydar ,jimcaale Qawdhan Awnuur iyo dhalin aan la soo kobi karin ragaas oo maanta meel ay ku sugn yihiin aan la garanayn balse la sheegayo inay ka bexeen somaliya lana hubin meeshay ay sal iyo baal dhigeen.

Isku soo wada duubo falalkan ay allshabaab ka wado somaliya ee khasab ku ciidaminta dhalina iyo ku khasbida inay fuliyaan qaraxyo naftooda iyo ta dadka kalaba ayaa aad ugu soo badana somaliya waalidiin badana ay aad uga baqayan dhalintooda in xoog alshabaab ku cidansadan oo khasbaan, ayaa maanta waxa ay farxad badan iyo hoos u qoslid badan laga dheehanayay walidinta dhalinta iyo dhamaan shabaka somaliyed oo ku tilmaamay baxsadka dhalintaa geesi nimo ah labo daran mid dooro inay dhintaan iyaga oo dad halaagay oo qarax la beegsaday iyo inay dhintaan iyaga oo naftooa badbaadinaya kana baxsanaya dhibka alshabaab u gaysanayo dadka ,waxayna ku amaanan yihiin go,aanka baxsadka ah ee ay ku baxsaden ilaa hadan aan la soo shegin wax la soo qabtay .

Q.W.Cabdiqaadir Macalin mohamoud

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s